( 1 )
Asc: Alle wuxuu yiri kor ahaaye: Lama farin (dadka) waxaan ahayn inay alle oo keliya caabudaan,iyogoo diinta (yacni maqalka iyo hoggaansanka) u gooni yeelaya,iyo inay salaadda oogaan, sekadana bixiyaan sidaasaana ah diinta toosan.=========))) ( 2 ) Wuxuu kaloo yir alle weyne kor ahaaye...Dheh (muxammadow S.C.W.) Haddii aad qarisaan waxa laabihiinna ku jira, ama aad muujisaanba, alle waa og yahay ....) ( 3 ) Alle u wada toobad keena kuwa xaqa rumeeyoow, aad liibaanteene..( 4 ) Alle kor ahaye wuxuu yiri: kuwa xaqa rumeeyoow sabra, oo sabarka ku tartama,
oo heegana ahaada iyo kuwo adkeysi badan, xilka alle idin saarayna dhowra aad liibaanteene. ( 5 )
Wuxuu kaloo yir alle weyne kor ahaaye: waxaan idinku imtaxaani doonaa wax cabsi la yiraahdo iyo gaajo iyo nusqaan naf iyo maal iyo miroba leh ee sabrayaasha u bishaaree. ( 6 ) Wuxuu kaloo yir hufnaaye: sabrayaasha waxaa la siin ujuuradooda xisaab la aan...( 7 ) Kuwa xaqa rumeeyow! kaalmeysta sabarka iyo salaadda alle sabrayaashuu la jiraaye. insha allah ku dadaala salaada iyo camalada wanaagsan walaala yaal.mcs.
Ei kommentteja:
Lähetä kommentti